Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed oo ka mid ahaa dhalinyarada aqoonyahanka ah ee dhawaan ku soo biiray Ciidanka Booliska Puntland iyo Nuur Ibraahim Maxamuud oo ahaa wiil bajaajle ah ayaa xalay ku dhintay shil ka dhacay bartamaha magaalada Garowe.
Gaari nooca raaxada ah oo uu watay Cabdalle Maxamed Cabaas oo lala xiriirinayo maandooriye ayaa si fool xun u jiiray bajaaj ay saarnaayeen labada marxuum, waxaana shilkaasi ka dhacay aaga hotel Guureeye.
Ciidanka Booliska ayaa ku guuleystay in ay qabtaan ninka maandooriyaha lala xiriirinayo ee sababay shilka, waxaana la sheegay in uu qabo dhaawac oo hadda uu yaallo mid ka mid ah isbitaalada Garowe.
Cabdalle Maxamed Cabaas, ninka maandooriyaha lala xiriirinayo, waxaa la xaqiijiyay in uu ka tirsan yahay madaxtooyada iyo qoyska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Booliska Puntland oo arrintan war ka soo saaray ayaa ku gaabsaday in ay baaritaan ku wadaan sida ay u dhinteen labada marxuum.
“Alle ha u naxariistee marxuum Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada aqoonyahanka ah ee dhawaan ku soo biiray Ciidanka Booliska Puntland. Waxa uu ku geeriyooday caawa Garowe, waxaana sidoo kale ku geeriyooday qof shacab ah. Arrintaas waxaa baaritaan ku wada Laanta Baarista Dembiyada (CID)” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska Puntland.

