Afrika oo loo raadinayo Kursi joogta ah in ay ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa shaaca ka qaaday in la joogo waqtigii caqabadda laga hor leexin lahaa in Qaaradda Afrika xubin joogta ah ku yeellato Golaha Ammaanka sida uu ka dhex sheegay fadhi gaar ah oo Golahaas yeeshay Isniintii.

Waxa uu intaas ku daray Dalalka Afrika ay isbaddel weyn oo dhinacyada horumarka Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga iyo Bulsho sameynayeen sanadihii dambe loona baahan yahay in ay xubin joogto ah ku yeeshaan Golaha Ammaanka.

Guterres ayaa intaas ku daray in Qaaradda weyn ee Afrika ay leedahay metalaad xubno ku yimaada Doorasho labadii sano mar halka Qaaradaha kale ay leeyihiin Waddamo kamid ah kuwa xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka.

“Ma aqbali karno in Qaarad ay ku nool yihiin in ka badan Bilyan ruux aanay xubin joogto ah ku lahayn hay’adda ugu sarreysa Nabadda iyo Amniga Adduunka, ma daawan karno in codkooda laga waayo halkaan, Su’aalaha Amniga iyo nabadda ma ahan shuruud ama culeys hor istaagi kara Qaaradda Afrika” Ayuu yiri Antonio Guterres, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa shanta dal ee joogtada ah kala ah: Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska iyo Faransiiska, halka 10ka Dal ee kale ay ku yimaadaan doorasho.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed