Afartan sano ka dib, Masar oo Soomaaliya gaarsiisay gargaarkii milateri ee ugu horreeyey

Dawladda Masar ayaa Salaasadii shalay waxay Soomaaliya gaarsiisay gargaarkii milateri ee ugu horreeyey, in ka badan afartan sannadood.

Baraha bulshada iyo qaar ka mid ah mareegaha warbaahinta gudaha ayaa shalay lagu baahiyay sawirada qalab milateri iyo ciidamo lagu sheegay inay Masaari yihiin oo garoonka Muqdisho ka digay.

Saddex ilo-wareed diblomaasiyadeed ah iyo kuwo dawladda Soomaaliya ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in tallaabadan ay u badan tahay inay sii xoojin doonto xiisadda ka dhaxeysa Somali iyo Masar oo dhinac ah iyo Ethiopia.

Diblomaasi magaciisa qariyay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in talaabada Soomaaliya ay hubka uga keensatay Masar, ee ay ku colaadineyso Ethiopia ay la mid tahay iyadoo dab ku cayaareysa.

Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Masar, iyo afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo ay Reuters u gudbisay oo la la xiriira inay ka hadlaan arrintan.

Masar iyo Soomaaliya ayaa sannadkan si weyn isugu soo dhawaaday ka dib markii Itoobiya ay heshiis horudhac ah la gashay maamulka Somaliland kaas oo ay uga kireyneyso Ethiopia dhul xeebeedka badda cas ah oo bedkiisu garayo 20 km, taa bedelkeeda ay Ethiopia aqoonsan doonto madax-banaanida Somaaliland.

Dowladda Somaliya ayaa ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid ku xad-gudbay Qaranimadeeda, waxayna sheegtay inay kaga hortagayso wax walba oo lagama maarmaan ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed