Abiy Ahmed;”Ethiopia wax dan ah uguma jirto inay dagaal la gasho Somalia”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka sheegay kulan ay lahaayeen xubnaha golaha dhexe ee xisbigiisa in aysan jirin wax dan ah oo uga jira colaada Soomaaliya.


Kulankan ayuu Abiy Ahmed waxa uu xubnaha golaha dhexe ee xisbiga ka arrimiya dalkiisa ugu sheegay in Soomaaliya ay la tahay dalkiisa walaal, qaraabo iyo deris.

“Itoobiya gabi ahaanba wax dan ah kama laha la dagaalanka Soomaaliya,” ayuu yiri Abiy Ahmed isagoo sheegay in uu dadaal xoog leh ay dowladiisu ka sameeysay sidii ay u midoobi lahaayeen Soomaaliya.

“Waxaan qabanqaabiyay kulan dhexmaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si ay u midoobaan.”ayuu yiri Abiy Ahmed.

Abiy Ahmed Ra’iiisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kulankan ka sheegin inuu sii socon doono iyo in kale heshiiska ay wada galeen Madaxweynaha Somaliland Muse Biixi iyadoo labada dhinac heshiiskooda is fahamka ah uu qorayo in muddo bil ah heshiiskooda lagu hirgelin doono.

Wuxuu caddeeyay in uusan jirin waddan adduunka ka mid ah oo naf hurnimo u huray sida Itoobiya oo ay Soomaaliya u taageerto.

Wuxuu sheegay in tobanaan kun oo Itoobiyaan ah ay naftooda u hureen Soomaaliya si ay u difaacaan nabadda Soomaaliya muddo toban sano ka badan hadda.

Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii xumaanayay ka dib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Somaliland la saxiixdeen January 1, 2024.

Wareysi uu bixiyay Arbacadii, Muuse Biixi Cabdi, wuxuu ku sheegay in Somaliland aysan ogolaan doonin in Itoobiya ay ka dhisato deked balse la siinayo Itoobiya saldhig milatari.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga tobanaan kun oo askari kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo ciidamo kale oo aan ka tirsanayn Ciidamada Nabad ilaalinta ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed