Abiy Ahmed oo sii xoojiyay damiciisa Badeena

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa mar kale ka hadlay damaciisa badda cas iyo halka uu marayo heshiiska ay la saxiixdeen maamulka Somaliland.

Abiy Axmed oo ka hor hadlayay golaha baarlamanka dalkaasi ayaa sheegay in Itoobiya ay ku qasab tahay in ay hesho badda cas.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya madaxdeeda looga baahan yahay in ay wada hadal la yeesheen, maadama ay dad daris ah yihiin.

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan ay wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku kulameen dalka Turkiga, kuwaasi oo loo ballamay wareeg labaad 2 septemper 2024, la kulmo si loo sii wado wada hadallada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed