Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

50 sano ka dib Maamulkii Bashar Asad oo ka baxay gacanta Suuriya

Kooxda fallaagada Suuriya ayaa aroornimada hore ee saakay oo Axad ah sheegatay, in ay Suuriya ka xoreeyeen Bashar Al Asad oo dalkaasi soo xakumayay muddo dheer, kaddib marki ay gudaha u galeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Wararka ayaa sheegaya in Bashar Asad uu ka cararay waddanka isla markaana aanan la ogeyn halka ay u duushay diyaarad xalay ka qaaday caasimadda.

Kooxda Jabhadda Taxrir Al Sham, waxay aroornimadi hore shaacisay in ay la wareegeen xarunta raadiyaha iyo telefishinka qaranka ee Suuriya. Waxaa la maqlayay rasaas ka dhaceysa gudaha caasimadda.

War kasoo baxay kooxda xakunka ka tuurtay Bashar Asad ee Jabhadda Xoreynta Shaam, waxay ayaan ay soo saareen ku sheegeen. โ€œMacangagi Bashar Al Asad waa ka xoreynay waddankaโ€.

Waxay intaasi raaciyeen in uu soo dhamaaday waayo madow isla markaana uu billowday waa cusub. Dadka waddanka ka cararay iyo kuwa barakacay ayay ugu baaqeen in ay dalka ku soo laabtaan.

Waxay kaloo sheegeen in ay sii daayeen maxaabiisti ku xirneyd xabsiyada ugu waaweyn Suuriya ee caanka ku ahaa jirdilka dadka mucaaradka iyo dilka aanan sharciga aheyn ee loo geysan jiray dadka qaar sida ay sheegeen kooxdan.

Wararka ayaa sheegaya in dadku billaabeen in ay ku dabaaldagaan Fagaaraha Ummayad ee bartamaha Dimishiq, halkaas oo ay ku yaallaan wasaarada dhowr ah sida, wasaaradda difaaca iyo xarumaha taliska ciidamada.

Raโ€™isulsulwasaaraha Suuriya, Maxamed Gazi Jalali ayaa bayaan uu saakay soo saaray ku sheegay, in xukumadda ay diyaar u tahay in ay si nabad ah xafiisyada dowladada ugu wareejiso mucaaridka, isla markaana uu diyaar u yahay in uu arrintaasi ku caawiyo.

Tani ayaa ka dhigan in uu maanta halkaasi ku soo dhamaaday 54 sano oo ay Suuriya soo xakumayeen qoyska reer Asad.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed