Madaxweynaha Iran Mascuud Pezeshkian ayaa sheegay in ay Israaโiil ka shallayn doonto โdilkii fulaynimada ahaaโ ee Haniyah, isaga oo intaa ku daray in Iran ay difaaci doonto madax-banaanideeda dhuleed, iyo sharafteeda.
Bayaan ay soo xiganeyso wakaaladda wararka ee AFP ayuu madaxweynaha Iran ku tilmaamay Haniyah inuu ahaa hoggaamiye geesi ah.
Hoggaamiyihii siyaasadda Xamaas oo fadhigiisu ahaa dalka Qadar ayaa booqosho ku tagay Tehran si uu uga qayb galo dhaarinta madaxweyne Pezeshkian.
Hoggaamiyaha ugu sareeya Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sidoo kale sheegay in aargoosiga dilkiisa ay tahay โwaajibka Tehranโ, isagoo intaa ku daray in Israaโiil oo aan sheegan masโuuliyadda kasbatay sababaha โciqaab adagโ.
Madaxweynaha Iran Mascuud Pezeshkian ayaa magaalada Tehran ee dalka Iran kula kulmay Ismaaciil Haniyah hoggaamiyihii kooxda Falastiin ee Xamaas kulankaas oo dhacay shalay oo Talaado ahayd.