Waxaa laga naadinayay maanta magaalada Baladweyne xarnta gobolka Hiiraan Wareegto amar aheyd oo ka soo baxday Maamulka Degmada Baladweyne kaas oo farayay ganacsatada iyo dadka leh goobaha ganacsi in ay u qaataan shatiga ganacsiga.

Maamulka degmada ayaa ku soo rogay Amarkan dhamaan ganacstada yar iyo weynba waxaana amarkan uu farayaa in ay qataaan shatiga ka ganacsiga magaalada iyadoo ganacsadihii qaadan waayana laga qaadayo talaabo sharci ah.

Cumar Aadan Baadiyoow oo ah duqa Magaalada Baladweyne ayaa ugu baaqay shacabka magaalada in ay u hogaan samaan amarkan si wax loogu qabto iyaga, looguna shaqeeyo arimaha bulshada

Dhageyso warbixin faah faahsan oo uu diyaariyay wariye Cismaan Aadan Careys. RIIX AMA DAAR