Laftagareen oo Baydhabo ku qaabilay Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowlada Sweden ufadhiya Soomaaliya Joachim Waern.

Kulanka ayaa lagaga hadlay Mashaariicda Dhinacyada Hormarka iyo dib u dhiska ee dowlada Sweden ay ka tageerto maamulka Koonfur Galbeed sidii loo Xoojin lahaa gaar ahaan adeegyada bulshada iyo kaabayasha dhaqaalaha.

Kulanka Madaxweynaha waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Amniga, Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Safiirka dowladda Sweden ufadhiya Soomaaliya Joachim Waern uga mahadceliyey booqashada uu ku yimid deegaannada Koonfur Galbeed.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed