Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda federaalka Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa gaaray Magaalada Mombai ee dalka Hindiya.

Yuusuf Garaad iyo wafdiga ka Socda Xukuumadda Soomaliya ayaa  waxaa garoonka Diyaaradaha Magaaladaas kusoo dhaweeyay was’uuliyiin ka tirsan Dowladda Hindiya.

Wafdiga ka Socda Xukuumadda Soomaliya ayaa booqasho ku joogi doono dalkaas Muddo 5-cisho ah, marka hore waxa ay booqaan doonaan xabsiga ku yaala magaalada Mombay,2-bisha August waxa uu tagi doonaa Magaalada Soomalida ay ku badan tahay ee Hyderabad.

Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya ayaa la kulmi doona dhigiisa dalka Hindiya Sushma Swaraj, wuxuuna kala hadli doonaa arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin; maxaabiista Soomaaliyeed ee sannadaha badan ku xiran xabsiyada dalkaas.

Sidoo kale kulanka Labada wasiir ayaa la sheegay in lagu kala saxiixan  doono heshiis dib loogu celinayo maxaabiista Soomaaliyeedee ku xiran xabsiyada Hindiya, kuwaasoo dhawaanahan lagu jiray dadaallo loogu soo wareejinayo Soomaaliya.