Inta badan marka ay socdaan khudbadaha ama doodaha dhanka siyaasada la xiriira waxaa lagu tirayaa xiliyada ugu xasaasiyada badan qofka siyaasiga ah uuna jecel yahay inuu u dhugyeesho warka la sheegayo si uu uga dhiibto fikirkiisa diimo ama ogolaansho, tiiyoo ay ku sii lamaansan tahay in uu kula socdo jawiga siyaasadeed ee goobta ka jira ee isabadal ama xaalad cusub dhalin kara.

Siyaasiyiintu waxaa kaloo lagu tiriyaa inay ilgaar ah ku eegaan hadba khubdaha socda iyagoo iska ilaaliya in loo hoos galiyo ama ay dhaafto arin ay dood ka qabaan, waase hadii dhuglaanshahaasi uu ka badbaado caajis iyo qalaaqo hurdo oo ka dhalan karta fadhiyada qaar oo si ba’an loogu daaho laguna hurdoodo.

Doodaha aan kululeyn ee qabow isla markaana nacamleyska ah waxaa lagu tiriyaa kuwa ugu badan ee aanay natiijo ka soo bixin oo la ogyahay halka loo socdo ama loo biyo shubanayo, waxaase taasi ku xeeran doodaha kulul oo indhaha la isku shito si ba’anna hadalada la isago soo celiyo kuwaasi oo iskaba daa indhaha la isku qabto oo hurdo la dareemee aad iska ilaalinayso inay kelmad ku dhaafto.

Hogaamiyeyaasha qaar ee khubadaha jeediya ayaa iyagu qudhoodu hadalkoodu kala duwan yahay kuwaa cod kar ah oo qof kasta soo jiidanaya iyagoo leh xaraarad soo jiidasho kuwana iskaba daa inaad dhageysatee waxaaba kugu qabanaysa hurdo iyo hamaansi waxaana ugu wacan cod xumada iyo hadal aqoon la’aanta.

 
SBC News Desk