Shacabka Boosaaso ayaa maalmahan subax walba ku waabariista isbadal ku yimaada sarika lacagta doolarka iyo maceeshadaha kala gadisan oo halkoodii taagan “Jug Jug Halkaaga Joog “amaba ay Qiimahoodii kordhaan taasoo ka noqotay caado magaalada Boosaaso xilli dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Boosaaso ay la daalaa Dhacayaan nolol maalmeedka oo shaqo la,aan baahsana ay jirto.

Sarifka lacagaha qalaad xiliga ay is badalaan ayaa saamayn ku yeesha shacabka Boosaaso gaar ahaan dadka danyarta ah kuwaasoo ah garab rarato noloshooda ay ku xiran Tahay waxa ay helaan maalintaas waxaana ay kuu sheegayaan marka aad la sheekeysato in aan dibada loo jirin hay,ado iyo maamulna aysan ka shaqaysanin xiliga ay Dukaamaysanayaana ay la kumaan maceeshad qaali ah oo aan isbadalin xataa hadii uu sarifka hoos u dhaco waxa ay intaasi ku dareen in magaalada Boosaaso ay bilahan Yimaadeen raashin aad u fara badan oo u soo kala dega hay,adaha gargaarka iyo ganacsatada kuwaasoo aan hoos u dhigin qiimaha lakala siisto raashinka iyo badeecadaha kale amaba hadii kale aad arkaysid in ayba qaaliyoobaan waxaana ay dadkaasi hadalkooda ku soo xiraan ( & waa yaabe ma yaabtay & .

Sidoo kale hadii aad la sheekeysato dadka dibada loo jiro ee ku nool magaalada Boosaaso ayaa kuu sheegaya in loo soo diro lacag jaan go,an oo noloshooda ay ku Maareeyaan ka dibna inta badan ay la kulmaan xiliga ay suuqa ka adeeganayaan isbadal ku yimaada sarifka doolarka taasna ay meesha  ka saarto in la waayo lacagaha dugsiyada & daawaynta caruurta iyo waliba sadaxda waqti ee la quuto qaarkood.

Markii aad dhexmarto suuqa Boosaaso ayaa waxa ay ishaadu qabanaysaa qof wax baayacaya oo oronaya iga dhin oo markaas ganacsadihii uu u sheegayo in isagaba aan laga dhimin marka  Ganacsatada waawayn uu kala soo wareegayo waxaaba ka daran oo aad arkaysaa qofkii oo ka dhaqaaqi la,a goobtii ilayn wax uu ku iibsado ma haystee. Isku soo wada duuboo dadka Boosaaso ayaa iswaydiiya yaa jaan gooya ganacsiga.

Hadaba waxaa in badan ay shacabka Boosaaso ayaa mar kale iswaydiiya maxaa looga hadli waayay& yaa wax ka qaban kara & sidee xal loogu heli karaa & arimahan ayaa ugu Danbayn ku soo beegmaya hoos u dhac ku yimid sarifka doolarka iyo maceeshada Boosaaso oo halkeedii taagan.

Maxamed Cali Iimaan
SBC Inetrnational Boosaaso
iimaancali70@gmail.com