Munaasabado Waaweyn oo lagu xusayo maalinta Xornimada Dalka Jabuuti ayaa waxaa ay ka dheceen gudaha Dalkaasi, waasi oo siweyn ay ugu dabaal degayaan dadka wadankaasi Jabuuti,

Xalay ayaa lagu qabtay Xaflad balaaran gudaha dalkaasi kaasi oo ay ka soo qeyb galeen Madaxda sar sare ee dalkaas iyo marti sharaf badan iyadoona lagu soo hadal qaaday Heerarkii laga soo maray Xornimada Jabuuti.

Maanta Ayaa Magaalada Muqdisho Xarunta Dalka Soomaaliya lagu qabtay Munaasabad maalintaasi lagu xusayo, waxaana ka soo qeyb galay Madaxda Sar sare ee Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya, sida raiisul wasaaraha DKMG ah C/wali Gaas iyo Gudoomiyaha Baarlamanka DKMG ah Shariif Xasan Sh Aadan.

Qudbado balaaran oo dhinacyo badan taabanaya ayay halkaasi ka soo kala jeediyeen madaxda DKMG ah iyo xubno kale, waxaana ay ku dheeraadeen heerarkii ay soo martay xornimada Dalka Jabuuti iyo garab istaaga ay garab istaagan tahay xukuumadaasi DKMG ah ee Soomaaliya.

Raiisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya C/wali Maxamed Cali ayaa qudbadii uu halkasi ka jeediyay ku dheeraaday Taageeradii Dowlada Jabuuti ka geystay xaaladaha ka jira dalka isagoona uga mahad celiyay Madaxda dalkaasi.

Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh Aadan ayaa isagana sheegay in Jabuuti ilaa xiligan ay u taagan tahay caawinta umada Soomaaliyeed iyo garab istaaga DKMG ah ee iminka jirta, waxa uu xusay oo uu soo qaatay gudoomiyuhu sidii dowlada dalkaasi ay uga qeyb qaadatay abaarihii ba’anaa ee ka dhacay sanadadii ugu dambeeyay gudaha dalka iyadoo uu xitaa amdaxweynahooda yimid gudaha dalka kuna dhexlugeeyay gudaha goobo ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah.

Dubad Cali Rooble Safiirka Dowlada Jabuuti u fadhiya Soomaaliya ayaa isagu halkaasi ka jeediyay qudbad balaaran, waxuuna ku dheeraaday in dalka Jabuuti iyo dalka Soomaaliya ay yihiin laba dal oo walaalo ah marnabana aan is ilaaweyn, Dowlada Jabuutina ay ka go’an tahay in ay caawinaad dhinac walbaba ah u sameyso soomaaliya ilaa ay cagaheeda isu taageyso.

35sano ayaa laga joogaa markii dowlada Dalka Jabuuti ay xornimadii ka qaadatay Dalka Faransiiska, Soomaaliyana waxay ka mid tahay wadamadii safka hore kaga jiray u ololeynta xornimada dalkaasi Jabuuti.

C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC International Muqdisho.