Munasabad Balaran oo ay ka soo qayb galeen Madax ka tirsan Dowlada, Qaxootiyada ku dhaqan Garowe iyo saraakiil ka tirsan Ha’yada UNHCR ayaa lagu qabtay Xarunta wasarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Magaalada Garowe.

Wasirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Puntland Jen. Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka jiir). oo ka hadlay Xuska maalinta Qaxootiga ayaa Ka warbixiyey Tirada Qaxootiyada ku nool Puntland loona bahan yahay Shacab iyo Maamulk in laga wada qayb qato Tageerida Nabada ay soo Raadsadeen si ay u helaan Waxaaana uu intaasi ku daray Qaxootiyada ku nool Puntland in ay tiradoodu ay tahay sadex Boqol oo kun ila afar boqol laakin intaasi waxaa uu raaxiyey in ay u tiroo kooban yihiin 400 oo qaxooti ah Hayaag waa sargaal ka tirsan Ha’yada qaramada Midoway ee UNHCR waxaa ka sheekaynaya Xerarka u dagsan Qaxooyiyada sida loo dhawro.

“Maanta waxaa ay tahay maalin inagu wayn waa Maalintii qaxootiga lana asaasay Ha’yada UnHCR Shurucda qaxotiga laga dhigtayna waxaa in qaxootiga meel walba oo ay koogaan lagu badbaadiyo inkastoo ay somaliya ay saxiixday shurucda Qaxootiga hada Puntland waxaa ay ka mid tahay Soomaaliya, Dowlada Soomaliyana waxaan ka sugaynaa in ay Muujiso in ay dhowraan Sharciyada Qaxootiga oo ah mid caalamiyaQ” ayuu yiri sarkaalkaasi.

Dhamaan Qudbadihii laga Jeediyay Madasha waxaa ay ahayeen kuwa Qeexaya Sidii loo Dhowri lahaa qaxooti loona sin lahaa Magangalyo ay amni ku helaan xirafadan loo abuuro  Masuuliyinta ka hadashay ayaa waxaa ay ka kala socdeen Wasaradaha Puntland Sida Cadalada Haweenka Qorshaynta iyo Qaxootiyada ku dhaqan Garowe gaar ahaan Kuwa ajaanibta ah oo iaygu sheegay in si wanaagsan loogula dhaqmo puntland balse adeegyo dhamaystiran aan wali hayn, galabta waxaa lagu qabtay Garoonka Ciyaraha Kubada Cagta ciyaar lagu maamusayey Maalinta qaxootiga iyo asaaskii ka soo wareegay Ha’yada UNHCR ee 60 Guradii.

DAAWO SAWIRADA


C/naasir Yaasin
SBC International Garoowe