Munaasabada Xuska Maalinta Dadka Dhimirka ka jiran oo la Xuso 10th October ayaa mid Caalamka oo dhan si weyn looga Xuso La iskuna Xusuusiyo Dadka Xanuunka Dhimirka Qaba xaalada ay ku sugan Yihiin iyadoo Dhaqaatirka iyo hayadaha Ku howlan Taageerada Dadkaasina ay ka warbixiyaan Xaalada dadka Ay hayaan

Isbitaalka Boosaaso qeybta Dhimirka ayaa waxaa Kulan Maalintaas lagu Weyneynaayo waxaa ku Qabtay Maamulka Qeybta Dhimirka iyo Sidoo kale Masuuliyiin ka socota Hayada GRT oo Taageerta Isbitaalka Qeybta Dadka Xanuunkas la nool lagula tacaalo

Dr Nuux Maxmaed oo ah Dhaqtarka Xaruntaa ayaa sheegay in Munaasabada Darteed ay ugu hambaleyeynayaan Dhamaan Dadkii Hore u xanuunsanaa Iyo Dhamaan Dadka Xanuunadaas lala Tacaalay inay Caafimaad helaan Isaga oo sheegay inay Xarunta Bosaso ay Ku xiran yihiin Dad ka badan 3,000 oo qof.

Julie Currie oo ah Madaxa GRT ee Barnaamijka Dadka Xanuunada Dhimirka la’a Nool ayaa Iyaduna Sheegtay in Manta ay tahay Munaasabad Heer Caalami ah oo aduunka oo dhan laga xusayo iyadoo Sheegtay In Dadkaasi ay Yihiin Dad Bulshada Caadiga ah ka mid ahaan jiray ina Bahan in dib loogu Celiyo.

Mss Julie Currie Waxay Kaloo ku amaanta Maamulka Isbitaalka Bosaso qeybta Dhimirka Dadaalka Balaaran ee ay u galeen sidii Dadkan Loo caawin lahaa iyadoo Sheegtay in Daweynta Marka laga Tago ay Sameeyeen Dadaalo kale oo ay ka mid yihiin In Dadkani Bulshada lagu soo daro iyadoo Shaqooyin kala Duwan loo abuuray.

Maamulaha Xarunta Dadka Dhimirka ka jiran C/qaadir Khaliif Cali ayaa sheegay in Xaruntoodu Tahay mid Bukaanka Qaar la jiifiyo Halka Qaar badan oo kalena ay u heleen Eheladooda iyo Dadka Dhaqaale ugu yaboohay Goobo lagu hayo

Mr C/qaadir ayaa sheegay in Dadkani ay isbitaalka Qeybtan ka helaan Taloyin Dawooyin iyo Hubin Caafimaad iyaga oo sheegay in Dadkii ay Daweeyeen Qaarkood ay dib ula midoobeen Dadka Caadiga ah isaga oo sheegay Qaarkood in loo abuuray Shaqooyin kala duwan

Munaasabadan waxaa sidoo kale lagu qabtay Gobolo kala duwan Oo ku yaala Wadanka Soomaaliya


SBC International Bosaso