Kulan adag oo badistiisu ay rajo weyn galinayso Soomaaliya inay u soo baxdo isreebreebka koobka aduunka ee sanadka 2014-ka lagu qabanayo wadanka Brazil ayaa maalinimada beri ee Sabtida wuxuu ku dhexmari doonaa magaalada Jibuuti ee caasimada wadanka Jibuuti xulka qaranka kubada cagta Soomaaliya & kooxda kubada cagta ee Itoobiya.

Kulankan ayaa Soomaaliya waxay guri ahaan ugu ciyaaraysaa magaalada Jibuuti iyadoo taasi loo sameynayo amaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo aan saamaxeyn jawi ciyaareed oo ay taageeyaal iyo ciyaartoy isku aamini karaan xiligan, waxaana xiriirka ciyaaraya Soomaaliya uu ku guuleystey dadaal uu mudo wadey oo ahaa in Jibuuti ay noqoto wadanka ay ku ciyaaraan kulmada guriga (Home), arintaasi oo ay dawlada Jibuuti ka aqbashay Soomaalida, waxaana FIFA ay ogolaatey dalabka ka yimid Soomaaliya.

Xidigaha Badweynta oo kulankan kalsooni ku ciyaaraya

Ciyaartan oo ka dhigan in Somalia guri (home) ku ciyaarayso waxaa xigi doona kulan kale oo ay marti (away) u noqon doonaan Itoobiya 16-ka bishan, waxaana labada wadan kii badiya kulamadaasi uu u soo baxayaa wareega isreebreebka.

Kulankan oo ah mid aad u adag oo xulka qaranka Soomaaliya mudo isku diyaarinayey waxaa laga filan karaa guul caaqibo leh iyadoo isku dayo kala duwan oo Soomaaliya ku doonaysan inay ugu soo baxdo isreebreebka koobka aduunka ay ku dhamaadeen guuldaro iyadoo sanadihii 2002, 2006 & 2010 Soomaaliya looga badiyey goolal badan.

Xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed waxay dalka Jibuuti ku xareeyeen ciyaaryahanada qaranka matalaya waxaana sanadkan loo dhiibay tababare u dhashay wadanka Kenya iyadoo sanadkan xulka qaranka lagu soo darey ciyaaryahano dalalka dibada laga keenay oo wax weyn ka badaley qaab ciyaareedka kooxda.

Xulka qaranka Soomaaliya oo lagu naaneyso (xidigaha badweynta ama Ocean Stars) waxay shacabka Soomaaliyeed ka filayaan guul caaqibo leh, iyadoo hadii kulanka beri ay ka badiyaaan Itoobiya isla markaana kulanka Adis Ababa ka dhacaya shan maalin ka dib ay barbardhac ka helaan ay si toos ah ugu soo baxayaan wareega isreebreebka koobka aduunka ee FIFA 2014 ee Brazil.

Laabiciinta weerarka uga ciyaaraya xulka qaranka Soomaaliya ee sida weyn loo filayo in daafaca Itoobiya ay qalqal galiyaan ayaa kala ah Liibaan Cabdi & Ciise Aadan Abshir

.

Xulka Itoobiya ee beri la ciyaaraya Soomaaliya

Inkastoo Soomaaliya ay kaga jirto liiska xulalka kubada cagta ee ugu wanaagsan aduunka kaalinta 192-aad waxaana ka hooseeye 14 wadan oo ay ka mid yihiin Jibuuti oo ku jirta kaalinta 195, Mauritania oo ku jirta kaalinta 200-aad & waliba wadanka San Marino oo ka mid ah qaarada Yurub kuna jira kaalinta 2003-aad ee ugu hooseysa liiska FIFA ee ugu dambeeyey.

Xulka qaranka Soomaaliya ee Ocean Stars waxaa beri la filayaa inay sacabka u tumaan oo ay saxmad & qaylo ku taageeraan boqolaal Soomaali & Jibuuti isugu jira kuwaasi oo isu diyaarinaya daawashada kulankaasi oo ka dhacaya garoonka El Hadj Hassan Gouled, waxaana kulankaasi dhexdhexaadinaay tababare u dhashay Jibuuti oo lagu magacaabo Mohamed Hassan Ourouke, waxaana calanwadayaal kala ah Xasan Cige Yacin & Aboubakar Said, halka garsooraha shanaad uu yahay Hassan Cali kuwasi oo dhamaantood u dhashay wadanka Jibuuti.Guul ayaan u rajeynaynaa xulka qaranka Soomaaliyeed ee kulanka adag beri la ciyaaraya Itoobiya, waxaana shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan xidiga badweynta guul caaqibo leh.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com