Kooxda Kubadda Kolayga ee Dagmadda Qardho ayaa noqtay koox u soo baxday Wareega ugu dambeeya Ee Ciyaarro Ay Muddo Dheeleysay,

iyadda oo lagu wada in ay Galabta la ciyaarto Kooxda Cairo City oo ka socta dalka Masar, magaaladda Qardho City ayaa noqtay mid guud ahaan ciyaarihii ay soo ciyaartay guulo waa weyn ka gaartay.

Maxamed Siciid Ciise Hogaama-laroor oo Ah Gudoomiyaha Qardho Ayaa Ku Sugan Dalkaasi, Isagoo Dhiirigalin Usoo Jeediyay Dhalinyaradda Ciyaaraysa,

Cabdirashiid Baki Gudoomiyaha Kooxda Dagmadda Qardho ayaa SBC Usheegay in Qardho ay jireen dad badan oo ka horyimi magaaladda magaceeda balse ay ka guuleysteen, maantayna wuu rajo badan ka qabo in sanadkaan Qardho koobka ay qaadi doonto hadii Alle idmo.

Hoos ka dhageyso Wareysiga:

Ugu Danbeyn Ayuu Ganacsatadda iyo madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Gaas Uu Ka Codsaday in laga Qeyb Qaatto Taakuleynta Kooxdaan Ayna Ubaahanyihiin Dhaqaalle Deg Deg Ah.

Waxaa lagu wadda in Galabta Abaarro 04:00 PM, Ama Tobonka Galabnimo ay dhacdo ciyaarta Finalka ah oo ay yeelan doonaan Qardho City iyo Cairo City, Hadii Alle idmo.

SBC, Radio

Xarunta Bosaso.