Xulalka qaramada kubada cagta ee wadamada Brazil & Masar ayaa caawa xiliga geeska Afrika 9-da fiidnimo waxay leeyihiin ciyaar kubada cagta ah oo dhaqaalaha ka soo baxa loogu tala galay in lagu caawiyo dadka abaaruhu waxyeeleeyeen ee Soomaalida.

Kulankan oo ka dhici doona garoonka kubada cagtra ee e Al Rayyan Stadium ee magaalada Doha ee caasimada wadanka Qadar.

Xulka Masar waxaa sanadkan hogaaminaya tababare Bob Bradley oo isagu ah tababarihii xulka Mareykanka ee ka qayb galay koobka aduunka sanadkii 2010.

Qabanqaabiyeyaasha kulankan ayaa sheegay in dhaqaalaha ka soo xarooda ciyaartan oo ah mid saaxiibtinimo loogu deeqi doono hawlaha samafalka ee abaaraha Soomaaliya.

SBC News Desk