Tababare Batista iyo Xulkiisa Arjantiin ayaa Waxaa Hortaala Calaamad Su’aal adag ka dib markii kulankii Furitaanka Koobka 43 ee Laatiin Ameerika ee Dalkooda ka dhacaya ay isku mari waayeen 1-1 Xulka Bolivia oo ay ku wada jiraan Guruub A.waxaana Labada Xul oo kala leh Kolombiya 3 dhibcood iyo Arjantiin 1 ay yeelan doonaan Kulanka uguadag Guruubkaan kaasoo soo dhci doona Hadii ALLE  idmo Saqda dhexe 12-30 Habeenimo Xiliga Geeska afrika.

Tababare Batista oo Ciyaaryahano Muhiima ay u fadhiyeen Kulankii ugu Horeeyay ee Bolivia ayaa la filayaa Caawa inuu sbadal xoogaa ah ku sameeyo Qaab ciyaaredkiisii Hore Maadam Kulnkaan uu muhiim u nyahay Xulkiisa indhaha Taageerayasha arjantiina ay ku soo jeedaan.

Ciyaaryahan FAlcoa oo horboodaya Weerarka Kolombiya ayaa ah ninka ay Difaaca Arjantiin si weyn isaga ilaalin doonaan Ciyaarta Caawa Halka Difaaca kolombiyana ay iska ilaalin doonaan 2 xidig ee da,da yar Messiiyo Sergio Aggerro

Habaen dane waxaa Kulmi doona Xulalka Bolivia iyo Costa rica oo kala hesyta 1 dhibic iyo 0 waxaana kulankaasi hadii ay badiso Bolivia uu u noqon doonaa mid Rajadeeda Wareega Labaad sii Xoojiya.

Kala horeynta Xulalka Guruub A Koobka 43 ee Latiin Ameerika 2011.

Kolombiya  ———–3 dhibic

Arjantiin  ————–1 dhibic

Bolivia ——————1 dhibic

Costa Rica ————–1 dhibic

Waxaa diyaariya
Axmed Maxamed Cabdulle’ (uurdoox)
uurdoox2011@hotmail.com