Nin u dhashay wadanka Faransiiska ayaa maxkamad ku taal dalkaasi waxay ku ridey ganaax lacageed oo gaaraya 12 kun oo doolar ka dib markii ninkan ay dacwo ku soo oogtey xaaskiisii hore oo ay kala tageen.

Ninkan ayaa xaaskiisii hore waxay ku eedeysay inaanu si wanaagsan uga haqabtirin ciyaaraha sariirta oo uu aanu qancin, iyadoo ku eedeysay inay taasi ku aheyd dhaawac nolasheeda soo gaaray mudadii ay isqabeen.

Qodobka 215 ee sharciga Faransiiska ayaa ninkan loo cuskuday kaasi oo dhigaya in lamaanaha sharciyan isku qaba ay tahay inay qaybsadaan nolasha.

Haweenaydan ayaa qaaliga maxkamada gobolka Nice waxay ka dalbatey in uu ka furo ninkeeda iyadoo ku eedeysay inaanu waxba ugu oolin, iyadoo xiligaasi qaaligu uu soo saaray in Jean-Louis uu ku masuul yahay guuldarada guurkaasi ayna tahay in uu xaaskiisa si deg deg ah u furo.

Ninkan xukunka la yaabka leh lagu soo oogey oo magaciisa lagu soo koobay Jean-Louis, ayaa waxaa haweenayda xaaskiisa aheyd ee dacwadan ku soo oogtey lagu magacaabaa Monique.

Jean-Louis ayaa warar hoose sheegayaan in shaqada oo culeys ka haystey iyo xanuuno kale ay sabab u tahay in uu gaabis ka noqdo hawlgalada sariirta, balse ilaa iyo sodon jirkiisii ayuu ku ahaa nin ku liitey sariirta sida ay ku doodayso Monique oo 47 sano jir ah.

Dacwadii caynkan aheyd  tan ka horeysay  ee ka dhacda wadanka Faransiiska ayaa aheyd sanadkii 2000.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com