Aqoon iswaydaarsigan oo socondoona mudo afar cisho ah waxaa ka qayb galaya  xubo ka socda  daladaha Haweenka ee Puntland  oo kala yimi 12degmo oo ka tirsan deegaanada Puntland, Waxaana ay kawada hadli doonan mudada afarta cisho ee ay joogaan Garoowe habka ugu haboon oo Haweenka Puntland uga qayb qaadan karaan arimaha bulshada iyo siyaasada.

Maxamed Nuur Maxamuud oo ka tirsan hay’ada ndi iyadu maalgalinaysay tababarka ayaa kawaramaya muhiimada tababarka iyo hayada ndi waxa ay ka shaqayso.
 
Agaasimaha wasaarada Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland  C.Qaadir Yuusuf Nuur  hadal ka jeediyey furitaankii aqoon iswaydaarsiga ayaa sheegay in muhiimada ugu wayn wasaarada Haweenka ay tahay hor mariso arimaha Haweenka.
 
Wasiir ku xigeen wasaarada Haweenka maymuun cabdi ducaale  si rasmi ah u furtay tababarkii maanta aya sheegtay in Haweenku ay cudud xoogan kuleeyihiin hayada dowlada iyo arimaha bulshada  waxaana ay ku boorisay  xubnihii ka socday ururada Haweenka  ee degmooyinka Puntland ay ka faaidaystaan aqoon iswaydaarsigan.
 
Dhanka kale wasiiradu waxay ka hadashay  in food ku soo hayso sideeda maarso oo ah maalinta Haweenka  oo ay sheegtay in wasaarada Haweenku ay diyaar garow xoogan ugu jirto Marka uu dhamaado  shirkan mudo afarta cisho ah socnayaa waxaa lagu wadaa in xubnaha ka qayb gallay ay dib ugu laabtaan degooyinkii ay ka yimaadan isla markaan ay ka bilaabaan  tababaro ay u furayaan ururada Haweenka ay ka socdaan.

Filo sawiro.




Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe