Munaasibad  balaaran oo  lagu  dhawaaqay  urur  siyaasadeedka  Horumarka iyo Cadaalada ee Hor-Cad ayaa maanta waxa ay kadhacday magaalada Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland waxaana munaasibadaasi kasoo qayb galay qaar kamid ah wasiiro kasocda dawlada Puntland ,maamulka dagmada Bosaso ,ganacsato, oday dhaqmeedyo iyo waliba qaar kamid ah bulshada rayidka ah .

Mudadi ay socotay munaasibaasi ayaa waxa halkaasi khudbado kasoo jeediyay qaar kamid ah masuuliyiinti kasoo qaybgashay xafladasi .

Axmed Yaasiin Saalax oo isagu ah afhayeenka Kmgaarka ah ee ururka Hor-Cad ayaa waxa uu soo bandhigay astaanta ururka waxana uu sheegay in astaanta ururka uu yahay Kitaabka Quraanka Kariimka ah miisanka cadalada iyo waliba Neef geel ah .

‘’Astaanta ururku waa kitaabka qur’anka kariimka ah iyo miisaanka cadaalada iyo Neef geel ah sida aad wada aragtaan astaamahaan ayaa ah kuwo muujinaya muuqaalo kaladuwan oo dhamaantood katurjumaya cadaalada iyo wadaniyada muuqaalka koowaaad ee aad ujeedaan ayaa muujinaya kutubka Qur’anka iyo miisaanka cadaalada oo wada socda waxa uuna katurjumaya sida uu Ururka Hor-Cad awooda usaaray cadaalada iyo shareecada islaamka ‘’Sidaasi waxaa yiri afhayeenka kmgaarka ah ee urur siyaasadeedka Hor-Cad.

Urur siyaasdeedkan Hor-Cad waxaa gudoomiye u ah Cabdulqaadir Axmed Ducaale oo haatan kumaqan dalka dibadiisa gaar ahaan magaalada qaahira ee wadanka masar waxana uu xaflada kaga qayb galay khadka taleefanka waxana uu gudoomiyuhu uu sheegay in ururkaan uu kuyimi dadaal dheerad ah hadafka ururkani uu yahay sidii uu ula dagaalami lahaa  musuq maasuqa ladagalanka faqriga iyo dhibaatooyinka .

Shiikh axmed daahir oo isna kamid ahaa marti sharafti kasoo qayb galay munaasibadasi kana mid ah culimo udiinka Puntland ayaa sheegay in ay siway ay usoo dhawaynayaan kudhawaaqista ururkani loogana baahanyahay ururka mid noqda mid fuliya balanqaadyadiisa taasna ay lagama maar maan ay tahay .

Gabagabadi xaflada waxa isna kahadlay madashaasi wasiir kuxigeenka dakadaha iyo ladagaalanka burcad badeeda dawlada Puntland  Cabdishakuur Mire Aadan oo isagu sheegay in xukuumada Puntland ay soo dhawaynayso kudhawaaqista ururkani xakuumada hada jirta ee Puntland diyar utahay in lala tar tamo .

Sawiro









Maxamed Xirsi Cabdi (Jabra)