Maxkamada danbiyada sare ee Dalka Ciraaq ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Xoghayntii khaaska ahayd ee madaxweynihii hore ee dalkaasi ciraaq Saddaam Xuseen, Waxaana ninka xukunka lagu riday lagu magcaabaa Cabdil Xamiid Max’uud Al-takriiti kaasi oo mudo dheer soo hayay xilka xoghaynta khaaska Ah ee madaxweyne Saddaam Xuseen.

Xaydar Al-Saacidi Afhayeenka maxkamada xukunkan fulisay waxaa uu sheegay In Xukunkan lagu riday Cabdi Xamiid uu ahaa mid mudo dheer laga fekerey isla markaana baadhitaano dheer ay la soo martay wasaaradda caaddaalada ee dalkaasi ” Ma ahayan xukun lagu deg degay waxa uu ahaa mid si caqliga ku dhisan looga fekeray,waxaana Cabdi Xamiid si toos ah loogu helay danbiyo cul culus oo ka dhacay dalka ciraaq xiligii sadaam xuseyn isla markaana uu wax ka ogaa, dad la laayay iyo kuwo kale oo siyaabo kala duwan loo dilayba waxaanu cadaynay inuuwax ka ogaa” Sidaas waxaa yidhi Afhayeenka maxkamadda Xaydar Al-Saacidi.

Maxkamada danbiyada sare ee Dalka Ciraaq waxaa ay sidoo kale hore usoo xukuntay ku xigeenkii Ra’iisal wasiirihii hore e xukuumaddi Sadaam Daariq Caziizi,Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee xiligii sadaam Sacduun Shaakir waxayna maxkadu ku eedaysay inay gacan lixad leh ku lahaayeen fulintii xasuuqyo qorshaysnaa oo xukuumaddaii sadaam ay ka fulisay dalkaasi waa sida maxkamadu kuwarantaye.

SBC-International.