Sanca:- Xoghayaha guud ee golaha iskaashiga gacanka C/ladhiif Ziyaani ayaa ka ambabaxay magaalada Sanca iyadoo wax heshiis ah aan laga gaarin khilaafka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka dalkaas Yemen.

Waxaa jirey warar sheegayey in ay suurtagal tahay in labada dhinac ay saxiixaan heshiis uu garwadeen ka yahay golaha iskaashiga Khaliijka kaasi oo dhigaya in madaxweyne Saalax uu si nabad ah ku wareejiyo maamulka.

Sidoo kale dublumaasiyiin mareykan iyo Yurubiyaan ah ayaa ka qeyb galay dhexdhexaadinta iyo in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka labada dhinac iyo in la dhageysto cabashooyinka shacabka iyo baahidooda.

Qodobada Heshiiskan ayaa waxaa kamid ah dhistaanka xukuumad midnimo qaran oo uu madax ka noqonayo xisbiga talada haya islamarkaana uu xisbigu qaato wasiiro muuqda iyo in madaxweyne Saalax la siiyo damaanad qaad cad oo ka badbaadinaya marka uu xilka wareejiyo in garsoorka la la tiigsado isaga iyo qoyskiisa iyo boqolaal kamid ah saraakiisha maamulkiisa.

Madaxweyne Saalax ayaa horey ugu adkeysanayey inuusan xilka ka degi doonin illaa wakhtigiisa ka dhamaanayo sanadka 2013, balse waxaa si hoose u socday waan waanta ay wadaan wadamada Khaliijka oo hada u muuqata in lagu guul dareystay in laga dhaadhiciyo Cali C/della Saalax inuu xilka ka dego, maadaama qodobada uu ku xiray Madaxweynaha saxiixa heshiiskan ay yihiin kuwo aan weli si buuxda aysan u ogolaan kooxaha mucaaridka.

Dhanka kale Mucaaridka Yemen ayaa ku kala qeybsan weli aqbalaada codsiga Madaxweynaha Yemen, ayadoo qaar kamid ah kacdoonka Yemen, ay doonayaan in Madaxweynaha maxkamad loo soo taago danbiyadaasi, halka kuwo kalena ay sheegayaan inaan la aamini karin waxa uu sheego Madaxweynaha sidaa darteedna diiday inay gor gortan noocaan ah la galaan.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring