London:- xoghayaha arrimaha dibadda Britain ninka lagu magacaabo William Hague ayaa kulan yeeshay dhigiisa dalka Iran , taas oo ah kulankii ugu horeeyey ay yeeshaan labada dal tan iyo intii dad careysan oo Iraaniyiin ah ay xoog ku galeen safaaradda Britain ee magaalada Tehran dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Britain oo bayaan ka soo saartay  kulankaas ayaa sheegtay in kulanka uu ku yimid dalab ka yimid wasiirka arrimaha dibadda Iran ninka lagu magacaabo Cali Akbar Saalixi, islamarkaana labada dhinac kulankooda ay ku soo qaadeen barnaamijka Nukleerka Iran iyo xaaladda dalka Syria.

Bishii November ee sanadkii la soo dhaafay ayey ahayd markii Iraaniyiin careysan ay xoog ku galayn safaaradda ingiriiska ee magaalada Tehran halkaasi oo ay gubeen calanka Britain iyagoo ka cabanaya cunaqabtayn cusub oo ay xukuumadda Britain ku soo rogtay Iran.

Talaabadaas ayaa keentay in khilaaf weyn uu soo kala dhexgala labada dal islamarkaana xukuumadda Britain ay dalkeeda ka erido dhamaan dublumaasiyiintii Iran ee magaalada Tehran.

Mr Heeg ayaa sheegay xilligaas in intabadan dadkii kulugu lahaa weerarka safaaradda ay xubno ka ahaayeen ciidanka amaanka ee ka kooban mmutadawiciin gacan saar la leh ilaalada kacaanka Iran.

Kulanka labada wasiir oo kadhacay magaalada Kabul ee xarunta dalka Afghanistan ayaa la filayaa in uu u noqon doono gogol xaar kulama kale oo dhexmara mas’uuliyiinta Britain iyo Iran maalmaha soo socdo.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC international Monitoring