Wasiiradda arrimaha dibada ee Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Soomaliya ayaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee muqdisho waftiga uu horkacayo William Hague .

Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa soo dhoweeyay William Hague oo safarkiisii labaad ku tegay Soomaaliya muddo 20 sano ah,Shirdoon ayaa sidookale uga hambalyeeyay William Hague dib u furidda safaaradda Britain ee Soomaaliya oo uu sheegay inay astaan xooggan u tahay inay ka soo rayneyso xaaladda Soomaaliya.

Raysul wasaare Shirdoon ayaa sheegay in xiriirka Britain iyo Soomaaliya uu haatan marayo meel fiican.

Dowladaha UK iyo Soomaaliya waxay 7-da May si wada jir ah u marti-gelin doonaan shir caalami ah oo taageero loogu raadinayo dowladda Soomaaliya,shirka ayaa diiradda lagu saari doono arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, caddaaladda, maaraynta dhaqaalaha iyo xasilinta siyaasadda.

Waddanka Britain ayaa daddaal xooggan ugu jira sidii loo soo celin lahaa nabadda iyo kala dambeynta Soomaaliya iyo la dagaallanka burcad badeedda.

william-1

William-2

william-5

william-6