In uu isbedel dhaco taariikhda wax ku cusub mahan dunida kuma ahan , nolasha aadamaha ma noolan karaan isbedel la,aan , waa wax soo jireen ah hadii aad taariikhda dib u eegto waxaad ku arkaysaa isbedelo farabadan , marka aad fiirisid isbedel ugu wanaagsan ee lagu gaarey hormarkaan ku dhisan tiknoolijiyada iyo dhaqaalaha ee uu caalamku gaaray , waxaa ay ahayd isbedelkii uu keenay nabi maxamed NNKH ,

markii aad fiirisid taariikhda oo aad ku dheeraatid , carabta xiligaas qaab nololeedka ay u noolaayeen , iyo sida ay ahaayeen waxaa kaaga baxaya wax badan oo aad u daran , meelaha qaarkood waxaa ay kugu abuurayaan naxdin , saan u dhex dawaafayey taariikhdii hore ee carabta inta aan nabi maxamed NNKH aan loo soo dhiibin risaalada xanbaar sanayd isbedelka wax ku dul istaagay arin aad u naxdin badnayd waa qof bini aadan ah oo isaga oo nool la duugayo ,

carabta xiligaas wax ay duugi jireen gabdhahooda iyaga oo nool , cumar binu khadaab alle haka raali noqdee waxa uu yiri waxaan qodayey godkii aan ku duugi lahaa gabadhayda iyaduna waxa ay iga tirtiraysay ciida iiga soo duulaysa godka oo ku dhacaysa garkeyga  , waxaa kaaga baxaya halkaas , naxariista ay dumarku leeyihiin , saas oo ay tahayna waa xaqireen , waxa ay ahayd mid aan waxba dhaxlin , markii ay timi isbedelkii watay nuurka waxa uu qirey xaquuqda gabadha ,

laakinse waxaa cajiib ah oo aad loola yaabo waxa ay tahay , aad ka faa,ideysid markad aad akhrisid taariikhda aad si fiicana aad ugu dul istaagtid isbedelkasta oo yimaada waxa uu leeyahay mucaarad ka horyimaada , waxaana dhab in ay dadka ugu dhaw ay ka qaataan dawr muhiim , markii uu nabi maxamed loo soo dhiibey risaaladii waxaa ka horyimi dhibaatooyin aad u farabadan waxaa loo dhibey si aad u daran ,

waxaa dhib aad u wayn gaarsiiyey ibii jahal , oo runtii aan u arkay intaan ku guda jirey akhrista taariikhda ninkii ugu axmaqsanaa dunida sababta oo ah waxa uu rabay in naga hor istaago hormarkan aan gaarnay aana ku gaarnay iftiinkii iyo nuurkii uu noo keenay nabigeenii suubanaa NNKH , nabi maxamed waxa uu rabey in uu ufuro umada albaab hormarineed abii jahalna waxaa uu diidanaa hormarkaas iyo cilmigaas uu gaaray dunidu .

Waxaa la ,amrey nabigeena NNKH in uu u hijroodo madiina ,markad ku dul istaagtid waxaa kaaga baxaya in ay dunidu gashay xiligaas waqti cusub in ay u furmatay wado cusub ee ay ku gaarayaan hormar iyo nimco .

Arinta kale oo cajiibka ah waxa ay tahay markii uu gaaray madiina waxa laga filaayey iyo waxa uu ka bilaabey nabigeena suuban  NNKH waxaa u dhexeeya farqi aad u dheer waxaa ay ka filayeen  in uu dhisanayo ciidan iyo u diyaar garaw dagaal , lakinse ma dhicin waxaa dhacday calaamad kuu cadaynaysa hormarka uu la doonaayey nabigeena suuban NNKH dunida waxa ay tahay dhisida masajka nabiga oo ilaa hada taagan , masjidka nabiga NNKH waxaa uu udub dhexaad u ahaa hormarka lagaarey , maxaa yeelay waxaa uu ahaa dugsigii ay ka soo baxeen hoggamiyaashii noo sahley in uu nasoo gaaro hormarkan .

Marka uu isbedel dhacaayo waxaa loo bahanyahay dulqaad iyo dhabar adeyg iyo hoggaan leh fikir iyo yool , waxaa soo marey dunida hoggamiyaal farabadan lakinse waxaa ay ku kala duwanaayeen fikirkooda iyo yoolkooda , markaad fiirisida asaasihii ( tataarka)  oo lagu wada garanayo taariikhda aduunka waxa ay dhigeen jaahilnimadoodi iyo fikir la,aantoodii ( jankiis-khaan ) waa asaasahii tataarka waxa uu ku saameeyey taageerayaashiisii fikir daro iyo yool la,aan waxa uu ahaa hoggamiye laakinse malahayn wax fikir ah  , waa ay iska soconayeen un .

Lakinse marka uu hoggaamiyuhu leeyahay yool iyo fikir dhab ah sida nabigeena maxamed NNKH waxaa uu keeni karaa isbedel dhab ah waxa uuna gaarsiinayaa ummada hormar aduunyo iyo mid aakhiraba .

Markad rog rogtid baalasha taariikhda dunida oo aad isha si fiican ula raacdid waxaa kugu soo bixi doona wadan la yiraahdo Malaysia  waxaa aad u xusid mudan wadankaas gaaray hormark waxaa gaarsiiyey hoggamiye leh fikir iyo yool waa ( Mahathir Mohamed  )  waa ay xusaan taariikhyahanadu in ay Malaysia ku jirtey dawladaha ugu hooseeya dhaqaalaha dunida ayna ahayd waxa ay ku tilmaaman reer galbeedku  “ dunida saddexaad “  , 1884 waxaa qabsadey madaxweyne “Mahathir” waxaa uu abuurey isbedal aad loola yaabey waxa uu awood u yeeshay in uu galiyo wadankiisa  “ 1989 “ waa shansano gudahood mid ka mid ah 10 wadan oo ugu sareeya wax soo saarka aduunka .

Gunaanadka qormada : Waxaan soo xusey tusaalayaa farabadan oo ku saabsan isbel , waxaan ugu tala galay qormadan in aan ku tusaaleeyo dhalinyarada isbel doonka ah ee somaaliyeed .

Somaaliya waxa haysta marka aad uu eegtid shan caqabadood oo aad u waa weyn hadii ay xalismaan soomaliya waa ay gaareysa isbedelka ay ku haminayaan dhalinyarada isbel doonka ahi ,

1 : qaab nololeedka ummada somaaliyeed , waxa isbedelay qaab nololeedkii ummada , haday ahaan lahayd dhan cibaado iyo dhan isku xukun shareecada islaamka , waxaa aad ugu xeel dheeratay qabyaaladii , waxaana dhab ah hadii ay qabyalad meesha timaado waxaan dhisnaanayn qarankii

2: falkii ama ( action )  : ummada somaaliyed waxaa laga haystaa dhankii falka , hadii umad ay dhimato falkooduna lagama yaabo in ay la yimaadan isbedal , dhalinyarada isbedel doonka waxaa looga baahanyahay fal (action ) ileen fikir iyo han aan fal lahayn waxba ma bedeli karo .

3: dib udhac – kadib markii intaas ay badelmeen waxaa nagu dhacay dib udhac aad uu baahsan – ma qiyaasi kartid caalamku meesha uu manta marayo iyo meesha aan ka joogno ilaahay ha noo gargaaro ,marka ay naqabsadeen saddexdaas dhibaato waxaa ay noo sahleen in aan ku dhacno labo dhibaato oo aad u waaweyn waa

  • Dhimaato naga haysata dhanka fikirka : waxaa aad u soo xusnay tusaalayaa farabadan oo tilmaamaya in markii isbel loo baahanyahay ay tahay muhiim fikirku , waxaa kugu filan tusaale in ay ummada somaaliyeed ay dhibaato ka haysto dhanka fikirka , waxaa ay awoodi waayeen ama ay hindisi kari waayeen in ay is kugu tashdaan iskood , waxaa aga soko martey dantii guud , danahooda khaaska ah , waa ay is cuneen , waxa ka dhex dhacay wax laga naxo , waxaas oo dhan waxaa keenay  fikir la,aanta
  • Dhibaato naga haysta hogganka , waxaa awood u yeelan weynay in uu naga soo dhex baxo hoggamiyihii nagu soo celin lahaa rajada saameyn lahaa bulshada , naguna soo biirin lahaa isbel .

Waxaa dhab ah in aan heli doono isbel dhab ah , 40 sano ama wax ku dhawba waxaa isbedel ku yimaadaa hoggaanka , hadii aad taariikhda dib u eegtid waad ku arkeysaa laga soo bilaabo xiligii nabigeena suuban NNKH  uu soo baxay ilaa hada isbedelo farabadan oo ku yimi dhanka hogganka .

Aniga fikir ahaantayda ma aaminsani waxaa isbedel keenaya jiilkan hada wax hoggaminaya , lakinse waxa rajo ka qabaa jiilka ku xiga ee usoo socda hogganka waa dhalinyaradee , waxaa iga dar’daaran ah

( hoggaamiyow  taariikhdu waa ku diiwan galinaysaa waxaa ka digtoonaata waxa ay kugu sifayn doonto )

 

W/Q  Maxamed Saalax Axmed guure

Email.ibnu-salax007@hotmail.com