Taariikhdu waa ay dawr muhiim ku leedahay fahanka nolasha iyo lafalgalka udul qaadashada wajiyadeeda kala duwan ay kugu soo wajahayso subax kasta iyo weji ka duwan kii hore .

qofkasta oo dunidaan ku nool waxaa uu raadinayaa, walwalna ku haya sidii uu guul aga gaari lahaa nolasha waxaa uu haminayaa , u kufayaa , u kacayaa , u dhabar adaygayaa ,  sidii uu guul aga gaari lahaa nolasha ama uu aga xaqiijin lahaa hadafka uu ka leeyahay nolasha

waa baadigoob ay u wada dhanyihiin dadka oo dhan , rag , iyo dumar , islaam , iyo gaal in kastoo lagu kala  duwanyahay qofkasta waxa uu ka walwalaayo ama waxa uu higsanayo , qof ayaa waxaa ay tahay waxa walwal galinaaya in uu dhisto guri , qofkale waxaa walwal galinaaya in uu guursado ,qofkale waxaa walwal ku haaya sidii uu gaari u heli lahaa ,qofkale waxaa walwal ku haaya siduu u heli lahaa quraacda iyo qadada iyo cashada , waxaa ka walwal badan kan raadinayaa quraacda sidii uu u heli lahaa waa baadigoob harqiyey dunida .

lakinse markii aad si fiican u sii dhex gashid taariikhda iyo shakhsiyaad ay xustey waxaa kaaga soo baxaya in uu bini adamka dunida ku nool ay uqaybsan lix qaybood

1: qeybta uguh horeysa magaraanaayaan waxa ay doonayaan mana u dajisna yool ay higsanaayan , muhimadiisu waa cunid, cabid,inta uu awoodo , waana dadka ugu cabashada badan isaga oo intas haysta oo ay tahay yoolka nolasha uu ka leeyahay hadana maku faraxsana nolashaas .

2: qaybta labaad : waa ay garanayaan waxaa ay raadinayaan oo ah in ay guul ka gaaran nolasha laakinse ma garanaayaan sidii ay ku gaari lahaayeen waxa ay sugaayaan in gacanta la qabto oo la gaarsiiyo waxa ay doonayaan .

3: qaybta saddexaad:  waa ay garanayaan waxa ay doonayaan iyo sida ay ku gaari lahaayeen ama qaabkii ay ku gaari lahaayeen lakinse caqabada ka hortaagan waa kalsoni la,aan aysan ku kalsonayn awoodooda , waxa ay bilaabayaa sidii ay ku gaari lahaayeen  yoolka nolasha ay ka leeyihiin lakinse ma dhamaystirayaan , waxaa ka hor istaagaaya hangaabnimo , buug ayey soo gadanayaa waxa ay isku dhibayaan in ay akhriyaan lakinse ma akhrinayaan ama ma dhamaystirayaan , kuwaan ayaana ka dhib badan nolasha kuwii hore

4: qayb kamid ah oo dunida ku nool waxaa ay garanayaan waxa ay raadinayaan , waxa ayna garanayaan sidii ay ku gaari lahaayeen , wayna ku kalsoonyihiin awoodooda lakinse dhibta kali ah oo ka hortagan yoolka iyo hiraalka ay higsanayaan waxa ay tahay sameyn ay saamaynayaan dadka kale , markasta oo ay wax sameeyaan waxaa lagu dhaahayaa waxad samaysay wax faa,ido laheyn mahan sidaas, waa in aad u samaysaa sikale .

5: qayb kamid waa ay garanayaan waxa ay raadinayaan , waa ay garanayaan sida ay u gaari lahaayeen , waa ay ku kalsoonyihiin awoodooda ,waxaa uu ka nabad galay saamaynta dadka kale ilaa dhanka wanagsan mahane lakinse waxaa dhib ku haya uu ka hortagan in uu gaaro yoolka nolashooda waa caajislayaan .

6: qayb kamid ah waa garanayaan waxa ay raadinayaan  , waa u dajisantahay sidii ay u gaari lahaayeen , waa ay ku kalsoonyihiin awoodooda , waa ay ka faa,idaystaan talooyinka dadka kale , marka ay muujiyaan awoodooda oo dhan waxa ay gaaran go,aan iyaga oo tala saaranaya ilaahay waxa ayna gaaran  guusha nolasha hamigooduna xad maleh .

Shanta qaybood oo ugu horeeye waa masaakiin waxaa dilay caajis waxaa dilay kalsooni la,aan , go,aan xumo , ficil la,aan ,talo xumo , saaxiib xumo , fikir xumo iyo wixii lamid qaybta ugu danbaysa oo ah tan ugu wanaagsan waxaa uu isku dayaa qof walba uu dunida kunool in uu noqdo lakinse uma suurto gasho waa lagu kala haraa waxa gaara qofka leh dhabar adayga iyo hal,abuur  .

Marka aad rabtid in aad nolasha guul ka gartid waa in aad ka ledahay hadaf nolasha ayna kuu dajisantahay waxaa aad ku gaari lahayd (khidad) aadna ledahay dhabar adayg iyo dulqaad, aadna la timada falkeeda, waa in aad xakameeysaa fikirkaaga maxaa yeelahay waa falkaga maah, maah soomaliyeed ayaa waxaa ay ahayd ( inta adan falin ka fiirso ) , xakamee falkaga maxaa yelay waa dhaqankaga , xakamee dhaqankaga maxaa yelay waxa ay jaangoynaysaa mustaqbalkaga .  

w/q: Mohamed salah ahmed ( guure )
Email: ibnu-salax007@hotmail.com