Masuuliyiinta wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta faah faahin ka siiyay golaha wakiillada dowladda Puntland Nidaamka xisaab xirka miisaaniyada sanadka.

Xisaabiyaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Cali Samantar oo ka hor hadlayay golaha Baarlamanka ayaa ku micneeyay in ay arkaan golugu sidii loo maamulay miisaaniyadii ay ansixiyeen,

Waxa uu xisaabiyuhu intaas ku daray in horkenista baarlamanka Xisaab xirka dowladda ay tahay mid sharci ah oo ku qoran dastuurka dowladda Puntland.

 

Dhageyso Warbixin faah fahsan oo uu Garowe ku diyaariyay Wariye Axmed Sheekeeye