Maanta kulankii caadiga ahaa ee Baarlamanka Soomaaliya waxaa lagu dhaariyay Xildhibaano cusub oo bedelaya xildhibaano katanaasulay shaqada Baarlamanka.

Mudanye yaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa kulankii 143aad ee ay yeeshaan waxay maanta uga hadleen  arimo ku aadan meel marinta dhameystirka golaha wasiirada Raiisul wasaare Saacid iyadoona lagu dhariyay hortooda xildhibaano ku biiraya golaha

Xildhibaanadan la dhaariyay oo isla maanta ku biiray Fadhiga kulanka Baarlamanka ayaa waxaa ay ka dambeysay dhaarintooda ka dib markii ay is casileen xildhibaanadii boosaskooda ku jira arimo aan la shaacin awgeed.

Saraakiisha ugu sareysa Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanadan labada ah ay bedelayaan Xildhibaanada kala ah Xildhibaan Cabdi wali Maxamed Cali Gaas iyo Xildhibaan Xuseen Khalif.

Sikastaba ha ahaatee Xildhibaanadan ayaa la sheegay in iskood ay u soo gudbisadeen warqada ka tagista shaqada iyadoo aan la cadeyn sababaha ka dambeeya.

SBC International Muqdisho