Xildhibaano ka tirsan DFK Somaliya ayaa maanta ka soo degay Garoonka diyaradaha ee Magaalada Garowe kuwaas oo ka soo kicitimay Magalada Muqdisho

Xildhibanada oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaraha oo tiradoodu ahayd 10 xildhibaan oo uu hogaaminayey Raysal wasarihii hore ee Dowladii C/qaasin Salaad Xasan hadana ah Xildhibaan ka tirsan Barlaamka Somaliya  Xasaan Abshir Farax ayaa saxafada uga warbixiyay Ujeedda Socdaalkooda, isagoona sheegay in ay ku sii jeedaan magaalada Gaalkacyo si ay uga qeyn qaataan howlaha nabadeed ee halkaasi ka socda.

Xildhaan Maxamed Cali Yusuf oo isna ka mid ahaa Xildhibaanada maanta soo gaaray ayaa  fahfahin dheerada ka bixiyay Socdalkooda gaar ahaan waxaa uu carababay in ay Ujeeddadooda ugu wayn ay tahay Ka qayb qadashada xalinta dagaalo dhawaan ka dhacay Magaalad  Galkacayo

Dhamaan Xildhibaanadaani waxaa ay ahayeen kuwo ka soo jeeda Degaamada Puntland oo ku sii sugnaan doona  Gobolka mudo ilaa iyo hada aan la cayimin waxaana soo dhawaynta ka qayb qatay Xildhaabanada Golaayasha Maamulka Puntland.

SBC International Garoowe