Wafdi ka socda Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay gaaraan Magaalada Qaza ee falastiin halkaas oo ay maalmihii ugu dambeeyay ka soconayeen duqeymo xoogan oo ay dowlada Yahuudu u geysanayso.

Wafdigan Soomaalida ah oo ka mid ah wafdi ay u dhanyihiin baarlamaanada Dowladaha Carabeed oo ay soomaaliya ku jito ayaa gaaray Gaza halkaas oo ay ku tageen booqasho ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xabad joojinta Dowlada Yuhuuda iyo kooxaha Reer falarastin siiba xarakada Xamaas.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo horkacaya xildhibaanada Soomaaliyeed ee safarkaasi galaya ayaa waxa uu sheegay in ujeedada ugu weyn ee safakoodu yahay sidii ay ugu muujin lahaayeen indhaha caalamka dhibaatooyinka Israel ay kula kaceyso Shacabka reer falastiin islamarkaana loo xoojin lahaa xabadjoojin ka dhexdhalata labada dhinac .

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya iminka ay ka baxday kumeelgaarnimadii tahayna dowlad ka mid ah dowladaha caalamka sidaa awgeedna ay muhiim tahay ka dhexmuuqashada baarlamaanada caalamka siiba kuwa carabta maadaama 20kii sano ee ugu dambeysay ay ka maqnaayeen,.

Sikastaba ha ahaatee Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa isna maanta ku sheegay kulan saxaafadeed uu Muqdisho ku qabtay in Baarlamanka Soomaaliya uu iminka gudanayo howlihiisa islamarkaana ay qeyb ka tahay howlaha Baarlamaan nimo safarka xildhibaanada ay ku tagayaan Qaza iyagoo qeyb ka ah Baarlamaanada Carabta.

SBC INternational Muqdisho