Xildhibaanada Baarlamanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen howlka shirarkooda ay siugu yimaadaan ee magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen Arimo dhowr ah oo ay ku jirto Mowshin ka dhan ah Xukuumada 9ka wasiir ka kooban ee Raiisul wasaare Saacid.

Kulanka Maanta waxaa Gudoominayay Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, isagoona hadal dheer oo uu ku faah faahinayay kulamadii uu dalka dibadiisa ku tagay ka jeediyay halkaasi.

ku dhowad 100 xildhibaan oo ka mid ah Baarlamanka ayaa ka dib soo hordhigay madaxda Baarlamanka mowshin ay ka wadaan xukuumada Raiisul wasaare saacid taas oo laga qabtay ,

Ka dib gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Mahad CAbdalla Cawad ayaa ka horsheegay xildhibaanada in Mowshinkan ay soo hordhigeen baarlamanka dib loo dhigay lagana doodi doono mudo todobaad ka dib.

Waxa uu sheegay gudoomiye ku xigeenku in Baarlamanku si rasmi ah uga doodi doono Mowshinkan bishan 22deeda sidaasna ay la socdaan xildhibaanada Mowshinkan keenay.

SBC International Muqdisho.