Muqdisho: Xildhibaano ka Tirsan barlamanka Somamliya Ayaa waxaa ay Eedeyn Culus Ay U Soo jeediyeen Xukuumada KMG ah Ee Somaliya Uu Hogaamiyo raiisal wasaare Farmaajo.

Kadib Kulankooda Oo Ay ka Soo saareen warsaxaafadeed Ayaa waxaa lagu Sheegay In Ay Si Aad Ah u Dhaliilsanyihiin Waxqabadka Xukuumada Islamarkaasna Ay Sharciga Ay Ku Tumatay.

Xilibaan C/qaadir Cismaan Cali oo kulankaasi kadib warsaxaafadeedka u aqriyay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada ay kasoo horjeedo geedi socodka nabada  waxana uu intaa ku daray in ay ku tumatay axdiga KMG kadib markii sida uu sheegay Xukuumada ay gaartay go’aan aysan xaq u laheen oo ah in hal sano dib loo dhigi doorashada Somaaliya islamarkaana ay ka biya diiday in ay hortimaado Barlamaanka

Waxaa Uu Intaasi Ku daray In Xukuumada Ay Ku fashalintay Wax Qabashada Xaga Amaanka ,Waxaana Ay Ugu baaqeen In Ay Sida Ugu Dhaqsiyaha badan Ay U Hortimaado Barlamanka Somaliya.

Xukuumada KMG Ah Ee Somaliya ayaa Waxaa Ay horay Ugu Codsatay Barlamanka In ay Kulan ka Yeeshaan muranka Iminka Taagan Oo Ku Aadan khilaafaadka u Dhaxeeya Hogaanka Sare Ee Dowlada KMG Ah.

C/risaaq Cismaan Axmed
SBC International Muqdisho