Xildhibaano ka badan 100 ayaa maanta laga baajiyay kulan ay ku lahaayeen hotel ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadan oo ka mi dah kuwa wada mowshinka lagu soo rogay Raiisul wasaaraha Soomalaiya islamarkaana kalsoonida loogala noqonayo ayaa shir jaraaid oo ay ku qabteen xarunta baarlamanka ku cambaareeyeen talaabadan lagula dhaqaaqay.

Ciidamada Nabadsugida Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka hor istaageen xildhibaanadan Kulanka ay yeelan lahaayeen taas oo ka careysiisay xildhibaanadan.

“waa mid sharci daro ah talaabada nabadsugidu maanta ku joojisay kulanka dhexmari lahaa mudanayaashan ka tirsan Baarlamanka, mudanayaasha Baarlamanka waxay xaq u leeyihiin in ay qabsadaan kulan looga tashanayo aayaha qaranka,” sidaasi waxa ayiri Xildhibaan Cali Khaliif oo saxaafada kula hadlay Xarunta guriga Baarlamanka

Sida la soo warinayo xildhibaanadan ayaa ka kulmi lahaa qodobada mowshinka lagu soo rogay Raiisul wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya, taas oo maalmihii ugu dambeeyay soo jiitameysay tan iyo wixii ka dambeeyay ku dhawaaqista Mowshinka kalsooni kala laabashada xukuumada Dr Saacid.

SBC INternational Muqdisho