Kulankani oo ka dhacay Magaalada Mugdisho ayaa waxa ka soo qeybgalay aqoonyahanada ka soo jeedo Beesha jijeele iyadoo kulankasina  loga hadlayay siddii loo hormarin lahaa degmoyinka Farlibax Iyo Qurac Joome oo dhawaantani loo magacabay in ay noqdaan degmo.

Ugu horeyn kulanka waxaa ka hadlay Dr:Cabdullahi Aadam muuse oo u mahadceliyay Xildhibaan Cabdullahi Aadam Maxamed(Farey) dadaalka dheeraadka ah ee u galay in la magacaabo degmoyinkani,waxana u sheegay in aqoonyahanada beesha Jijeele ay diyaar u yahiin waxii manta ka dambeyo in ay ka shaqeyaan una dhabar adegan in siddii loo hormarin lahaa kaabayasha nolasha ay degmoyinka si sare looga qaado nolasha dadweynaha ku dhaqan degmoyinkas.

Xildhibaan Cabdullahi adam Maxamed (Farey) oo isna  kulankani ka hadlay ayaa tilmaamay in dadaal aan kala harsi lahayn u u galay in  la magacaabo degmoyinkaas maanta waxii ka dambeyana uu diyaar u yahay inu sii wada dadaalkiisa ku aaday hormarinta degmooyinkaas,waxana uu tilmaamay in ay mas’uuliyad ay ka saarantahay hormarinta degmooyinkas madama uu ku metalo xildhibaanimada magaca dadweynaha Deegaanadaasi .

Kulanki ayaa ugu dambeyntii waxaa soo hadalka soo xiray Maxamed derow Cabdulle oo ugu baaqay dhammaan jaaliyada beesha jijeele ee ku dhaqan Yurub Iyo Ameerika in ay gacan ka geystaan hormarinta degmoyinkaas.

Kulankani ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo lagu balamay kulamo xiga oo looga hadlaya hormarinta dhammaan deeganada ay degto Beesha Jijeele.

Daawo Sawiro


C/casiis ok
SBC International GArowe