Xildhibaanada Puntland ayaa maanta ka hadlay markii ugu horaysay ee Deeqdii waxbarasho ee Dalka Turkigu ugu deeqay Puntland in ay ahayd mid sidii loogu tala galay u dhacday isla markaasna beeniyay hadalo laysla dhexmarayey oo ku saabsnaa tiro badan oo ay heleen Gobolka qaarkood  Natiijadii imtaxaanka kadib

Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo warbaahinta kula hadlay Xarunta Barlamanka ee Garowe ayaa kawaramay ogaalka Barlamaanka Puntland ee ku wajahan Deeqda waxabrasho oo dhawaan ay heleen Arday Puntland iyo kuwa kale oo ka yimid Somaliland iyo Gobolada dhexe ee Somaliya, isagoona sheegay in ay aheyd si wanaagsan oo lagu tilmaamikaro cadalad.

Waxaa uu xildhibaanku ku tilmamay Sida ay u dhacday mid ay xildhibaanada Puntland Soo Dhawaynayan oo ay dadku isugu mid yihiin kuwa haley iyo inta waydayba.

Hadalka Xildhibaanka marka laga yimaado waxaa jiray cabashooyin ka soo yeeraya Odayasha dhaqanka, Ururadda Bulshada iyo Ardayda gobolada qaar ee Puntland taas oo ku aadan in aysan u dhicin Deeqda sidi loogu tala galay oo  Gobolada qarkood ay heleen tiro aad u badan, halka kuwa kalena ay heleen kuwa ka yar tirade ay heleen  balse wasarada waxbarashada Puntland ayaa ku adkaysatay in aysan wax shuqul ah ku lahayn oo ay imtaxaanka qadayeen Macalimiin u dhashay Turkiga isla markaasna ay saxayeen .

Maxamed Siciid
SBC International Garoowe.