Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday heshiis dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya, kaas oo ku saabsanaa is dhaafsiga Maxaabiista labada dal Iyo Arimo Kale

Kulanka xildhibaanada ee maanta waxaa goobjoog ahaa wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ay heshiiskaasi xildhibaanadu Su’aalo ka weydiiyeen.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa codsaday in la dadajiyo meelmarinta heshiiskaasi oo ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya.

Guddoonka baarlamaanka ayaa amray in heshiiskan lagu wareejiyo Guddiga Garsoorka, si ay uga soo tala bixiyaan.

Sidoo kale Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” Afhayeenka baarlamaanka ayaa digniin adag u diray xildhibaanada baarlamaanka ee ka maqan fadhiyada Golaha Shacabka.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in warqad uu u diri doono ra’isul wasaaraha iyo madaxweynaha oo uu kaga codsanayo in aysan safaro u wadi Karin xildhibaanada, iyagoo aan ka warqabin guddoonka baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in aan mar danbe la ogolaan doonin in xildhibaanada ay dibadda iska aadaan fasax la’aan waxaana kuwa maqan laga dalbaday in ay dib u soo laabtaan Islamarkaana aysan dhicin in ay mar danbe baxaan Fasax la’aan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xubnaha shaqada aadaya ama dane kale u baxaya ay ku wargiliyaan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyaasha Gudiyada ay ka tirsan yihiin iyo Gudiga Hab dhowr-ka Baarlamaanka Golaha Shacabka.

Dhinaca Kale Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya  ayaa maalinta sabtida ah u yeeray wasiiro ka tirsan Xukuumadda federaalka Soomaliya kuwaasi oo su’aalo la weydiin doono.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliya Pro Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) oo maanta shir gudoominayay kulankii Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaliya ayaa markuu dhamaaday kulanka  ku wargaliyay wasiiradda Cafimaadka, Warfaafinta,iyo Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaliya in ay  hor yimaadaan Baarlamanka Soomaliya.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada ay wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Eng C/raxmaan Omar Osmaan (Yariisow) ay su’aalo  ka weydiin doonaan wax ka badalka lagu sameeyay xeerka Saxaafadda Soomaliya.

Sidoo kale Wasiirka Cadaaladda Soomaliya  Xasan Xuseen Xaaji  ayuu sheegay In Xildhibaanada ay su’aalo ka weydiin doonaan sharciga musuq-maasuqa oo dhawaan wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya ay u gudbisay.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya Pro Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay In wasiirada caafimaadka Drs Fawziya Abiikar Nuur ay xildhibaanada  su’aalo ka weydin doonaan shaqada wasaaradaas.