Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyay Xeer hoosaad ay ka doodayeen

Mudanayaasha Barlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u meelmariyay qodobo ka tirsan xeer hoosaadka Baarlamanka oo ay mudooyinkii ugu dambeeyay ku howlanaayeen islamarkaana ay dodo culus ka yeesheen.

Waxay xildhibaanada Maanta isku raaceen in 11 qodob oo ay ka doodayeen mudo in ay cod gacantaag ah ay ku ansixiyaan si loogu shaqeeyo uguna howlgalo baarlamanka cusub ee Dowlada Soomaaliyeed Mudada 4ta sano ah ee soo socota.

Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheeq Cusmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in uu ansax yahay xeer hoosaadka Baarlamanka ayna qaab cod gacantaag ah ugu ansixiyeen xubnaha Baarlamanka, iyadoona ay meelmariyeen xildhibaan ka badan 180 oo fadhiga goob joog ahaa.

Xeerkan ay ansixiyeen Baarlamanka ayaa waxaa qeyb ka ah qodobo ay dood ka yeesheen Baarlamanka islamarkaana wax kabadedel weyn ay ku sameeyeen,

Sikastaba ha ahaatee xildhibaanada Baarlamanka ayaa intii ay ku howlanaayeen doodaha qodobada xeerhoosaadka ee maanta la ansixiyay ayaa waxaa soo maray shaqooyin kale oo ay ku ansixiyeen xukuumada Raiisul wasaare Saacid .

SBC International Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII