Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta xaruntooda ku yeelanaya kulan xasaasi ah oo ay kaga doodayaan heshiiskii Kampala ee dhexmarey Madaxweynaha & Gudoomiyaha Baarlamanka kulankaasi oo laga cabsi qabo in uu noqdo mid fawdo & buuq uu hareeyo, maadama ay jiraan xildhibaano badan oo ka mid ah Baarlamanka oo si ba’an uga soo horjeeda heshiiskaasi.

Qaar ka mid ah xildhibaanada oo saxaafada la hadley ayaa sheegay in ay jilibka u aasi doonaan sidii heshiiskaasi ay u laali lahaayeen, inkastoo gudoomiyaha baarlamanka uu si weyn ugu olaleynayo meel marinta heshiiskaasi.

Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u goodiyey xildhibaanada waxaana uu sheegay in xildhibaankii buuq & fawdo maanta sameeya in aan loo dulqaadin doonin oo talaabo laga qaadayo, hadalkaasi oo oo ay si weyn uga soo horjeesteen xildhibaanada kuna tilmaameen mid xadgudub ah.

Warar SBC ay ka heshay ilo wareed oo lagu kalsoon yahay oo ka gaabsadey in magacooda la xuso sababo xasaasiyada warkani uu leeyahay ayaa sheegay in xaley la diyaariyey 200 askari oo Booliis ah & cutubyo ka mid ah ciidamada AMISOM si ay uga hortagaan in qalqal la galiyo wax lagu tilmaamay habsami u socodka dooda heshiiska Kampala.

In xoog loo adeegsado fikirta xorta ah ee xildhibaanada ayaa waxay tahay mid ka soo horjeeda qaanuunka sharci ee axdiga qarameedka & kan xoriyada hadalka ee baaqa caalamiga ah, waxaana wararku sheegayaan in cabsi galin xoogan ay ka taagan tahay xarunta Baarlamanka halkaasi oo ciidmao fara badan la soo dhoobay.

Axmed Aar
SBC Muqdisho