Holka guriga shacabka ee ay ku shiraan mudane yaasha baarlamanka Soomaaliya waxaa iminka ka soconaya u diyaar garowga kulan saacadaha soo socda dhacaya kaasi oo ay xildhibaanada Baarlamanka hor imanayaan musharixiinta u taagan xilka madaxweyne nimada si ay halkaasi uga soo gudbiyaan waxqabadkooda.

Ku dhowaad 10 musharax oo u taagan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta horyimaadaan baarlamanka Soomaaliya si ay halkaasi uga soo gudbiyaan cv-yadooda iyo waxqabadka ay damacsanyihiin ay ku dhaqaaqaan markii loo doorto madaxtinimada dalka .

Xildhibaanada ayaa isku diyaarinaya dhageysiga musharaxintaasi iyagoo iminka ku qul qulaya holka ay ku shiraan, waxaanu kulankani yahay kii koobaad maadaama musharxiinta ay ka badan yihiin inta maanta soo gudbineysa waxqabadkooda.

Daqiiqado ka dib ayaa lagu wadaa in uu bilowdo kulankaasi, waxii ku soo kordhana kaga bogo wararka xiga.