Alfanaanad Saado Cali Warsame Ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa Ereyo siweyn loola dhacay oo Guubaabo u ah Xildhibaanada Baarlamanka ka jeedisay howlka ay ka socoto Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Ereyada ay ku heestay Xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaa ahaa kuwo si weyn u dhaqaajinayay damiirka Xildhibaanka waxaana ka mid ahaa ereyadii ay ku dhawaaqeysay,
“Xildhibaan ayaan ahay
Xubin Shacab mataleysiyo
Xildhibaan Ayaan ahay
Xaq baa inagu waajib ah
In aan xariga Eebahey
Xajinoon Adkeyniyo
Xeerka ineyno dhowrnaa
Xilka culus inoo koray
Xakiimkeyna daalacan
Xujaa ina hortaalee
Xara maanta Aan garano
Xula xaas walwaalaha
kitaabkii Xushmeeyoo
Xusuusnaada taartii.”

DHAGEYSO SAADO
Ereyadan ayaa ah kuwo Aad u qiimo badan islamarkaana fanaanadu Fariin ugu dirtay Xildhibaanada Caawa Dooranaya madaxweyne Cusub oo Umada Soomaaliyeed Matala 4ta sano ee Soo socota .