Xildhibaan Yuusuf Xasan oo noqdey qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo xildhibaanimo looga soo doorto Degmada Kaamankuunji ee ay ka mid tahay xaafada Somalidu degto ee Islii ayaa wareysi gaar ah oo uu SBC siiyey wuxuu kaga hadley waxyaabaha u qorsheysan ee uu ka qabanayo arimaha dadka Soomaalida ee ku dhaqan degmada codka laga siiyey ee uu kaga mid noqdey Baarlamanka wadanka Kenya.

Yuusuf Xasan ayaa mahadcelin u diray dhamaan dadkii codka siiyey & kuwii aan siin, waxaa kale oo uu ka hadley arimaha ku aadan dadka Soomaalida ee aan haysan sharciyada ee ku dhiban dalka Kenya, waxaa uu jecel yahay in uu u qabto, iyo waliba nadaafad darada & qashinka tuban xaafada Islii ee ay Soomaalidu degto oo ka mid ah degmada Kaamakuuji ee uu haatan wakiilka uga yahay Baarlamanka Kenya.

Wareysi arimahaasi & arimo kale oo fara badan uu kaga hadlayo Xidlhibaanku waxaa Magaalada Nairobi kula yeelatey Suleeqo Maxamuud Qabowsade oo tirsan SBC.

Wareysiga Link-ga Audio hoose ka dhageyso.

Halkan ka dhageyso