Wararka Naga Soo Gaaraya Magaaladda Muqdisho Ayaa Lagu Sheegay in Maanta Lagu Dilay Xildhibaan Mid Kalana Lagu Dhaawacay.

Alle ha u naxariistee waxa Goordhow Isbitaalka Daarul Shifa ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Marxuum Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir oo Maanta duhurkii lagu dhaawacay Wadada Maka Al-Mukarama ka dib marki gaari uu watay lagu hor gooyay gaari kale isla markaana la rasaaseeyay.

Marxuumka Ayaa Waxaa La Dhaawacmay Xildhibaan Kale Oo Layiraahdo Cabdalla Boos Axmed Oo Ay isku Gaari Wateen.

Hadaba Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Xildhibaannada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dilkii maanta Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir oo kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen xilli uu marayay wadada Maka Al-mukama.

‘’Innaa Lillaahi waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Marxuumka Allah u naxariisto. Waxaa uu ahaa nin waddankiisa u soo shaqeeyay, mar walbana ku haminayey inuu arko Soomaaliya oo mideysan, nabad ah, kana soo kabatey burburkii ku dhacay. Waxaa uu ahaa nin si wanaagsan uga dhex muuqdey baarlamanka’’. ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Marxuum Yuusuf Maxamed Dirir ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaastii ay ku fureen kooxo hubeysan oo sida la sheegay watay gaari nuuca gurmadka loo adeegsado ee loo yaqaan (Amblance).

Mudooyinkii udanbeeyay Xaaladda Muqdisho Wey Daganeyd Mana Dhicin Falalka Dilka Ah Ee Noocaan Ah, Balse Hadda Ayeey Dib Usoo Laabteen.

SBC, News.