Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya ayaa ka hadley dilkii caawa loogu geystey magaalada Muqdisho agaasimihii idaacada Somaliweyn Marxuum Abuukar Max’ud Kadaf.

Salaad Cali Jeelle wuxuu sheegay in marxuumka mudooyinkii ugu dambeeyey uu ku hawlanaa dib u abaabulka maamul goboleedka Banaadir State, balse wasaarada arimaha gudaha Dawlada KMG ay joojisay hawlihii loogu jirey dhismaha, isagoo sheegay in firfircoonidiisa ay ku tuhmayaan in loo dilay.

Salaad Cali Jeelle wuxuu muujiyey shakiga uu ka qabo diidmada ama joojinta go’aanka dhimasha maamul goboleedka Banaadir State ee wasaarada arimaha gudaha ay ku riixayaan tuhunka ku aadan dilka Marxuum Abuukar.

Link-ga audio-ha hoose ka dhageyso wareysi SBC International uu siiyey Xildhibaan Salaad Cali Jeelle.Halkan ka dhageyso wareysiga Salaad Cali Jeele