Goor Maqrib nimadii caawa waxaa Agagaarka dugsiga Cumar Samatar ee Magaalada Gaalkacyo kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ay dil ugu geysteen marxuub Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud Xaaji (Koodhaa) oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Baarlamanka Dowlada Puntland.

Wararka laga helayo Gaalkacyo ayaa intaasi ku daraya in kooxdii falka dilka ah u geystay Xildhibaanka ay ka baxsadeen goobtii ka dib markii uu falku dhacay, waxaana goobtaasi gaaray ciidamada Amaanka ee Gaalkacyo kuwaas oo islamarkiiba halkaasi ka bilaabay Howlgalo iyagoona xiray wadooyinka qeybtood.

Ilaa iyo haatan lama oga waxa ay ahaayeen kooxahaasi dilka u geystay alaha u naxariitee Xildhibaan Koodhaa, mana jiraan wax war ah oo arimahaasi ku aadan oo ka soo baxay maamulka Puntland iyo ciidamada Amaanka Gaalkacyo .

Ugu dambeyntii waxaa dilkaasi caawa siweyn uga xumaaday shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, waxayna sheegeen in uu ka baxay nin aad ugu weyn, islamarkaana ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Shacabka Puntland iyo qoyskii uu ka geeriyooday.

SBC International Gaalkacyo