Kooxo Hubeysan oo aan Heybtooda la aqoonin ayaa ka dib salaadii Maqrib ee caawa ku toogtay gudaha xaafada Waaberi ee Magaalada Muqdisho Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Cusub ee Dowlada Soomaaliya.

Ragan geystay dilka ayaa ku hubeysnaa Bastoolado waxaana ay ku toogteen alaha u naxariistee xildhibaan Mustaf Maxamed Xaaji kadinka hore ee gurigiisa  ka dib markii uu  soo tukaday salaadii Maqrib ee Caawa.

Waxay ka baxsadeen Goobta ka dib markii ay falka geysteen kooxdaasi waxaana alaha u naxariistee xildhibaanka uu ku geeriyooday isbitalka o loola cararay ka dib dhaawac culys .

Falalka noocaan ah ayaa noqday kuwo ku soo badanaya magaalada Muqdisho xarunta dalka, waxaana ay aheyd maalin ka dib markii gudaha magaaladaasi lagu dilay 4 saxafi oo 3 kamid ahi ay ku geeriyoodeen isqarxin loo geystay halka ka kalena uu ku geeriyooday toogasho ay kooxo hubeysani u geysteen.