Waxaa Goordhaweyd Oo caawa Ah Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug lagu dilay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Dowladda puntland iyo Mid Kamid Ah Ilaaladiisa.

Marxuun La Dilay Ayaa La Oran Jiray Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur Dirir(Lugool) waxaana lagu dilay masjidka Abuu-hurayra oo ku yaala Albaabka hore ee xerada Ciidanka ee INJI oo ku taala xaafada Israac Ee Waqooyiga Galkacyo.

Wariyaha SBC Ee Galkacyo Ayaa soo Sheegaya in Xaaladdu ay hadda dagantahay walow dadka Ay Dareemayaan Cabsi Ku Aadan weerarka Caawa Dhacay,

Wali wax faahfaahin ah laga ma hayo qaabka uu u dhacay dilka xildhibaanka ,balse

waxaa magaalada laga maqlayay dhawaqa rasaasta Ay Ridayaan ciidamadda Amaanka Ee Galkacyo Oo Goobta Gaaray.

Hoos ka dhageyso wariye Cabdulaahi Yare Oo Aan Ka Wareysanay.