Xildhibaan Bootaan Axmed Bootaan oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Boosaaso ayaa maanta shaaciyay in uu iska casilay shaqadii xildhibaannimo ee uu ka hayay golaha deegaanka Boosaaso.

Nuqul ka mid ah is casilaada Xildhibaankan oo uu soo gaarsiiyay xafiiska xarunta SBC International Boosaaso ayuu ku sheegay in ay sababtay arimo dhowr ah oo uu ugu horeeyo mushaar la’aan mudo 3 bilood ah soo foodsaartay shaqaalaha dowlada Hoose,

Waxa uu sheegay Xildhibaan bootaan in uu u dulqaadan waayay shaqaalaha dowlada hoose Boosaaso oo markasta uga cabanaya mushaar la’aan taasina ay ku qasabtay in uu istaqaaladiisa u gudbiyo hogaanka Maamulka Degmada ,

Xildhibaanka oo wareysi siinayay SBC ayaa waxa uu intaasi ku daray in qodobada sababay in uu iscasilo ay ka mid yihiin kuwo u adeega bulshada muhiim u ah oo laga aamusay in la fuliyo waasida uu hadalka u dhigaye.

Halkan ka dhageyso Hadalka Xildhibaan Bootaan AXmed Bootaan.xildhibaan bootaan

ilaa iyo hada ma jiraan wax war ah oo ay ka soo saareen madaxda sare ee golaha deegaanka siiba duqa degmada Boosaaso Xasan cabdala xasan inkastoo ay sheegeen in ay saxaafada la hadli doonaan saacadaha soo socda