Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) oo ka tirsan golaha Barlamanka somaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay dilalka puntland loogu gaysanayo dadka aqoonyahanada iyo culimada ah waxana xildhibaanku uu sheegay in ay siwayn u cambaaraynayaan dilalkaas iyo cida ka dambaysa .

Xildhibaanka ayaa sheegay in haatan lala yaaban yahay dilalkan soo laa laabtay ee ka dhacaya puntland, waxana uu carabka ku dhuftay xildhibaanku in arimahan ay hoos u dhigi karaan macaga Puntland iyo sharafteeda hadii aan sida ugu dhaqsa badan aysan dawlada puntland wax uga qaban.

Xildhibaanka ayaa mar kale waxa uu soo hadal qaaday shirka wadatashiga wajigiisa labaad oo loo balansanyahay in uu ka furmo puntland waxana uu sheegay xildhibaan ahaan in uu si wayn u taageersanyahay shirka uuna  so dhawaynayo  wixii ka soobaxa .

Xildhibaan Jinni Boqor ayaa sidoo kale ka hadlay soo galitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha somaliya waxana uu xildhibaanku sheegay in aysan fiicnayn  soo galintaanka ciidamaasi gudaha somaliya, waxana uu sheegay in soo galitaanka ciidamasa Itoobiya ee somaliya ay sabab u tahay awooda dawlada oo ah mid iska liidata oo aan lahayn awood sidaas u badan .

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta caalamiga ah ee SBC ayaa ka hadlay ma siibadii ku habsatay suuqii Bosaso oo ganacsato badan ay ku hanta beeleen, waxana uu sheegay in ay si aad ah uga naxeen khasaaraha soo gaaray ganacsatada waxana uu ku baaqay in sida ugu dhaqsa badan gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka dhibtu soo gaartay .

Ugu dambayntii waxa uu xildhibaanku baaq nabadeed  ka soo saaray dagaal beeleedyada ka soconaya Puntland waxana uu ku baaqay in sida ugu dhaqsiya badan loo joojiyo dagaalada oo la qaado wadada wanaaga iyo nabadda .

Xasan Cabdi Farey(xasan gentleman)
SBC-International Nairobi- Kenya
gentalmansbc@gmail.com